Shidaalka Ogaden Basin ee dhulnka Soomaali Galbeed:

Khatartii ugu weyneyd oo soo wajahdey Soomaalida gumeysiga ku hoos nool

Wuxuu Barkinka idiin soo gudbin doontaa qoraalo taxane ah oo ku saabsan mawduuca shidaalka ee deegaanka Soomaalida Itoobiya gumeysato.

Qeybtii 1aad: Hordhac

Shirkadda Shiinaha ee Poly-GCL ayaa maanta billaabaysay soosaarka gaaska ceelasha Elelle (Hilala).  In kasta uu koobnaan doono, maadaama lagu dhaaminayo booyado ama haamaha gaaska si shirkadaha shamiintada iyo goobaha tamarta badan ku baxdo, haddana waa tallaabo naxdin weyn ku noqatay qof walba oo Soomaali ah oo damiir iyo dareen waddani ah leh.  Dad yar oo waxgarad ah baa fahansan barnaamijka ra’iisul wasaaraha (RW) cusub ee Itoobiya loo soo xambaariyay.  Faahfaahin intaa dheer sii geli meyno hadda wakhtigan xaadirka ah, laakiin waa in aynu niyadda ku heynaa qorshaha siyaasadeed ee socda uu yahay xeelad ka mid ah xeeladaha dagaal ee ka socdo Geeska Afrika.  Qoraalkan 1aad ee ugu horeeya waxaan ugu talagaley in Soomaalida sawir muuqaal ah aan ka siiyo xaaladda taagan, si dareenkooda aragtida u helo xaqaa’iiq ay ka tusaala qaataan.  Waxay rajadeydu tahay in arrintani Soomaalida ku abuurto lexjeclo, dabadeedna u midoobaan difaaca kheyraadkooda iyo ilaalinta mustaqbalka ummaddooda.

Siduu Bangiga Adduunka seddax sano ka hor  yidhi, waxaa go’aan ah in muddada u dhexeysa 2020-2030 macdanta iyo shidaalka la qodo looga dhigo lafdhabarta dhaqaale ee Itoobiya, oo ugu yaraan lacagta adag ay ka helaan 10 jibbaaranto.  Marka, la socda in dawladaha dillaaliinta ah sida Ingiriisla, ama kuwa qoditaanka macdanta caanka ku ah oo shirkadahooda suuq-raadiska yihiin sida Kanada iyo Ostraaliya, aya lacago ku bixiyaan daraasaad iwm si ay Bangiga Adduunka iyo wasaaradda macdanta Itoobiya saameyn weyn ugu yeeshaan.  Waxaan filayaa in laga dheregsan yahay dadaalka dheeraadka ah ee uu Shiinaha isna dhankiisa ka wado, illaa heer uu jidad, dhismayaal iyo tareenno maalgelin badan ku siiyey Itoobiya, beddelkeeduna yahay qandaraaska shidaalka deegaanka Soomaalida.

Waxaa inoo muuqato in tartankii wadamada shisheeyaha iyo bililiqadii kheyraadka Soomaalida uu hadda halistii ugu weyneyd ay soo foodsaartey, gaar ahaan shidaalka Ogaden Baisn.  Muddo 45 sano gaareysa (1950-1995), deegaanka Soomaali Galbeed waxaa laga qoday 43 ceel oo shidaal ah, laakiin muddadaa kala badhkeed (1995-2018) ayaa waxaa laga qoday in kasii badan oo aanan heynin tirada dhabta ah.  Waxaa ii suurtowday in aan helo iskuduwaha dhigaha iyo loolka (latitude and longitude coordinates) 31 ka mid ah 43 ceel ee la qodey intii u dhexeysay 1950 illaa 1995 (Muuqaal.1 & Muuqaal.2)

OB2

Muuqaal.1

OB3

Muuqaal.2

Sid aka muuqato khariidada, ceelasha shidaalka ee dhibcaha guduudan ku caalaamdeysan/matalayaan ay deegaanno badan ayey ku firidhsan yihiin.  Shirkadaha ceelashaas qoday waxay kala ahaayeen Sinclair Oil Corporation oo qoday 17 ceel, Tenneco Oil Exploration oo qoday 8 ceel; Soviet Petroleum Exploration Expedition (SPEE) oo qoday 16 ceel; waxaa kale oo soo raacey Hunt Oil Company iyo Gewerkschaft Elwerath oo midkiiba hal ceel qoday.  Shirkadaha maraykanka ayaa 26 ka mid ah 43da ceel qodey, meesha Soofiyeetka uu 16 ceel ka qoday; halka soo hadheyna waxaa  qoday shirkad Jarmal ah (Muuqaal.3).

OB4

Muuqaal.3: Waagii shirkadda Jarmalka ee Gewerkschaft Elwerath ay ceelka qodeysay 1962

Maadaama aanan heynin xogta iskuduwayaasha (coordinates) ee ceelasha Jeexdin (Calub) oo wada dhan, tusaale ahaan, waxaan isku deyey anigoo adeegsanaya iskuduwaha 5ta ceel ee aan hayey (hal Maraykanka qodey iyo 4 Soofiyeetka qodeen) in aan khariidada satellite-ka hawada ku calaamadeeyo ceelasha intooda kale (Muuqaal.4).

OB5

Muuqaal.4

Kedib markaan sii weyneyay si aan u soo dhoweeyo aragtida xeryaha ku yaalla ceelasha ee shirkadaha iyo ciidamada illaaliyo deggen yihiin, waxaa sawirka ka muuqanayo ceelashii agagaarka Jeexdin ka qodnaa laftoodii/naftirkoodii (Muuqaal.5).

OB6

Muuqaal.5

Afargeysyada aan ku calaamadeeyey buluugga waa afkii ceelasha. Xarunta ugu weyn Jeexdin (Calub) waa sawirka ugu sarreeya bidixda (Muuqaal.5), xeradii oo keligeed ah oo la sii weyneyay iyo sawir hawada laga soo qaadey waakan hoos ka muuqda (Muuqaal.6).

OB7

Muuqaal.6

Ceelka Jeexdin ee aad maqlaysaan, afkiisa tuubooyinka ku dhisan waxaa ka arki kartaan sawirkan hoose (Muuqaal.7). Qaab-dhismeedka tuubada afka waxaa inooga cad in ceelku uu yahay gaas.  Soomaali u soo dhowaan kara ceelashaas ma jiro; xoolihii ku soo fakadana, meel loo raadsadaa ma leh.  Ceelashan waxaa hadda heysto Shiinaha (Poly-GCL).

OB8

Muuqaal.7

Shiinahay waxay kaloo hadda heystaan ceelasha Elelle (Hilala) oo aan isna muqaal ka sameeyey xarunta ceelashooda ugu weyn (Muuqaal.8).

OB9

Muuqaal.8

Nasiibdarro ceelka meesha uu ku qumman yahay ama kaga yaallo muqaalka ma hubo oo ma aanan calaamadeynin, haseyeeshee waxaan helay ceelka afkiisii oo sawir ah (Muuqaal.9).

OB10

Muuqaal.9

Waxaan anigu istusay in ceelasha Heelaale (Hilala) ay Shiinaha muhiimadda ugu weyn siinayaan, sababtoo ah waxaad mooddaa in ciidama xoogga ugu weyn agagaarka aad u kormeeraan.  Gaarigan wuxuu yahay iyo qoriga saaranba ciddii taqaan baa garan (Muuqaal.10).

OB11

Muuqaal.10

Xerooyin badan baa agagaarka Elelle laga dhisaa oo qaarkood si ku meelgaadh ah yihiin marka hore, kedibna haddii wixii larabay laga helo, waxaa laga dhigtaa xarun joogto ah (Muuqaal.11).

OB12

Muuqaal.11

Dhibaatooyinka ugu weyn hadda wuxuu heystaa reer miyiga, haseahaatee goor dhow, wuxuu aad u saameyn doonaa Soomaalida magaalooyinka deggan.  Dadka xoolodhaqatada ah iyo bey’adooda dabiiciga ah waa in hadda sida ugu dhakhsaha badan loo difaaco, halgankii lagu badbaadin lahaana lagu dhawaaqaa.  Banii’aadan iyo xoolohooda ka sokoow, ugaadhii iyo xayawaanadii baa xitaa la dhamynayaa!

Itoobiyaanka marka ugu horreysa dadka ayay barakiciyaan; dil, xiritaan, dhac, kufsi, iwm.  Marmarka qaarkood, tuulooyin dhan baa lagubaa, sida hay’adda xuquuqul insaanka HRW raboort kusoo saareen sanadkii 2008 (Muuqaal.12)

OB13

Muuqaal.12: HRW

Markaan fiiriyey khariidada halka ay kaga beeggan yihiin (Muuqaal.13) tuulooyinkaas la gubey, waxaa ii muuqday in dhamaantood agagaar shidaal laga baari lahaa ay yihiin.  Sida muuqaalka hoose tilmaamayoba, tuulada Labiga(4) waxay foodda u saarantahy goobtii jabhadda ONLF ku weerartay Shiinaha iyo ciidankii Itoobiyaanka illaalada u ahaa sanadkii 2007, sida hay’adda HRW ku qortay raboortkeeda.  Laasoole(2) iyo Qamuuda(3) iyagana waa agagaarka Shiinaha la siiyay oo hadda baaritaanka ka socdo.

OB14

Muuqaal.13

Kedib waxaa yimaado shirkadahii oo dhulkii oo dhan baa dhirta cagafcagaf ku majiiriyaan (Muuqaal.14) iyaga oo weligeed la darsin (environmental impact assessment) khatarta ay ku leedahay nolosha – illeen dad markii horeba loo leynayey si bilaash ah dan lagama lahee!

OB15

Muuqaal.14

Sababta ay dhulka uga tittirayaan wixii dhir iyo xaabo aheyd waxaa weeye, in ay u banneeyaan marka hore Buubuurta/gawaadhida shidaalka baadha ee loo yaqaano Vib trucks – waxaa ku rakiban qalab mowjado dhulgariir (seismic vibrator) oo lagu sii daayo dhulka si ay u cabbiraan dhulka waxa ku jira (Muuqaal.15).

OB16

Muuqaal.15

Shiinaha hadda waxay sidaa ku sameeyeen dhulka Eelelle agagaarkiisa ah, dhismo badan aad mooddo in uu u qorsheysan yahay (Muuqaal.16).

OB17

Muuqaal.16

Muuqaalkaas oo aaggiisa lasii balaariyey baa si fiican looga tusaalo qaadan karaa damaca Shiinaha hadda inta uu la’egyahay (Muuqaal.17).

OB18

Muuqaal.17

Qoraalkan 1aad waxeynu ku joojin halkan. Hadduu Illaahay yidhaahdo, qoraallada taxanaha ee danbe waxynu sii faahfaahin doonnaa shirkadaha meesha ka shaqeeya noocyahooda, dhibaatooyinka ay ummaddeena ku hayaan iyo Soomaalida ku nool Geeska Afrika gebi ahaanba waxa looga baahan yahay si ay mustaqbalkooda u badbaadiyaan.


Contact: liban.farah@barkinka.com